spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeRa'iisal Wasaaraha Soomaliya oo sheegay in ciidamada ay heli doonaan xuquuq dhameystiran
Array

Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya oo sheegay in ciidamada ay heli doonaan xuquuq dhameystiran

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si cad u sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay in Ciidanka Xooga Dalka ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhgameystiran.

Waxa uu xusay in Xukuumada ay dadaal dheer ugu jirto sidii ay ugu dhabeyn balanqaadyadii ay horay u sameeyeen oo ah in Ciidanka Xooga Dalka ahmiyad gaar ah la siiyo iyo sidi uu u heli lahaa xuquuqdiisa jogtada ah.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale shegay in mudnaan gaar ah la siinayo Ciidanka xoga dalka oo uu sheegay in dadaal dheer ka dib ku guuleysteen in ay dalka in tiisa badan ka xureeyaan Al-Shabaab.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa shalay ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo uu xilka kula waregaayay Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xooga Dalka.

BARLAMAANKA IYO SHARMAARKE  (1)
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular