spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeRa’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Cadaado,si u Ufuro wejiga 2...
Array

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan Cadaado,si u Ufuro wejiga 2 aad ee shirka

Qaban qaabo xoogan oo loogu jiro soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid oo maanta lagu wado in uu gaaro magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka socota magaaladaasi, iyadoo halkaa ay ku suganyihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo madax kale.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ah sidii uu u furi lahaa wejiga labaad ee shirka Maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo ay iminka halkaasi ka socota qaban qaabada loogu jiro in lagu soo dhaweeyo wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa iminka ku sugan Wasiiro ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka, Wasiirka difaaca, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Ra iisulwasare sharmaare

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular