Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo Shalay inta uusan ka bixin Magaalada Muqdisho la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in Sababta loo dhisayo Ciidamada Isku dhafka ah ay tahay sidii Dalka looga cirb tiri lahaa Koox Diimeedka sida qaldan Diinta u Adeegsada islamarkaana Shacabka dhibaatada ku haya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dalka laga Cirib diri doono Koox Diimeedka sida qaldan Diinta u Adeegsada islamarkaana Xukumaddiisa ay waddo Arrintaasi.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ka hadlay Cuno qabateynta Dhanka Hubka ee Soomaaliya wali Saaran waxaana uu ku sababeeyay in ay tahay in Dalka ay ka jiraan Urur Diimeedyo lagana Cabsi qabo in Hubkaasi uusan Gacanta u galin,hadana la wado sidii loo diyaarin lahaa Ciidamo isku dhaf ah oo Dalka uu yeesho.