spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeRa’iisul Wasaare Sharma’arke Oo Rajo Ka Muujiyay In Dib Loo Furo Shirkadaha...
Array

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke Oo Rajo Ka Muujiyay In Dib Loo Furo Shirkadaha Xawaaladaha Dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali ayaa kala hadlay madaxda dowlada Kenya sidii dib loogu furi lahaa shirkadaha xawaaladaha ay ka xirtey dalkeeda.

Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa cadaadis ku saaray dowlada Kenya sidii ay dib ugu fasixi lahayd shirkadaha xawaaladaha, waxana uu ra’iisalwasaaraha rajo ka muujiyay in dhaqso loo furi doono xarumaha ay shirkadaha xawaaladaha ku lahaayeen magaalada Nairobi iyo guud ahaan dalka Kenya.

Ra’isal wasaaraha ayaa sheegay in tallaabooyin ku meelgaar ah laga fiirsanayo halka sharciyo joogta ahna la sameynayo, hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaan cadeyn waqtiga rasmiga ah ee shirkadaha xawaaladaha la fasaxayo.

Bangiga dhexe ee dowlada Kenya ayaan ka hadal warkan ka soo baxay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhowaan booqan doono dalka Maraykanka si uu ugala hadlo dowlada Maraykanka fasixida shirkadaha xawaaladaha Soomaalida.

Dalka Maraykanka iyo qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa xayirey qaar ka mid ah shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, waxayna taasi sababtay dhibaatooyin soo foodsaara dad badan oo noloshoodu ay ku xirneyd lacago wadamadas loogaga soo diro.

Xayiraada dowlada Kenya ay saartay shirkadaha xawaaladaha ayaa waxaa ay saameyn weyn ku yeelatay Soomaali badan oo eheladoda dibada ugaga soo diri jireen lacago ay ku noolaadaan iyo sidoo kale qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee heer caalami kuwaasoo shaqaalahooda iyo mashaariicda ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya lacagaha soo marsiin jirey magaalada Nairobi.

Hase ahaatee dowlada Kenya ayaa waxaa ay ku weysay xayiraada ay soo rogtay lacago faro badan kuwaasoo ka soo geli jirey howlaha ay qabtaan shirkadaha xawaaladaha.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular