spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeRai'sal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina, ayaa jawaab ka bixisay dilkii Dalkaas
Array

Rai’sal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina, ayaa jawaab ka bixisay dilkii Dalkaas

Rai’sal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina, ayaa jawaab ka bixisay dilkii u dambeeyay ee loo gaystay ninkii internetka wax ku qori jiray.

Waxa ay sheegay in dilalkaasi oo kale aan loo dulqaadan doonin.

Hadalka Rai’sal wasaare Hasina waxa uu imanaya maalin kaddib geerida Niladri Chatterjee, ninkaas oo ahaa qofkii afraad ee internetka wax ku qori jiray ee la dilo tan iyo bishii labaad ee sanadkan.

Dadka xuquuqda aadanaha u dooda ayaa mudaaharaad ka dhigay magaalada Dhaka iyaga oo ka mudaaharaadaya dilkaasi.

Afhayeenka mudaaharaadayaashaasi Imran Sarkar ayaa ku baaqay in ay dawladdu si dhakhso ah u soo xidho kuwii dilkaasi ka dambeeyay si loo cadeeyo in aysan dawladdu ka dambaynin.

 

ra iisulwasaraha Bangaladhesh

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular