Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani, ayaa soo afjarayo booqashadiisa Qaramada Midoobay ee New York, si uu uga qeybgalo xus lagu sharfayo xujeydii Sacuudiga ku geeriyootay toddobaadkii tagay.
Rouhani, ayaa u ku laaban doono Iran kaddib hadalkiisa golaha guud ee galinka dambe isniinta. Ku dhawaad toddoba boqol iyo toddobaatan xujey ah, ayaa khamiistii ku dhintay isbuurasho ka dhacday Mina, oo ku taal dibadda Makah, waxayna badi dadkaasi u dhasheen Iran.
Meydadka boqol iyo sodon ka mid ah dadkii geeriyooday, ayaa talaada la geyn doonaa Tehran. Iran, ayaa sheegtay ku dhawaad seddax boqol oo dadkeeda ah in la la’yahay