spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeRW Sharmaarke: Sanadkan dhammaadkiisa ayaan ka adkaan doonnaa Al-Shabaab
Array

RW Sharmaarke: Sanadkan dhammaadkiisa ayaan ka adkaan doonnaa Al-Shabaab

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in kooxda Al-Shabaab laga adkaan doono dhammaadka sanadkan, balse wuxuu sheegay in la tacaalidda sababaha asalka ah ee ku dhiirrigeliya dhallinyarada inay ku biiraan kooxda ay qaadan doonto in muddo ah.

Sharmaarke ayaa u sheegay war-fidiyeennada kaddib kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay albaabbadu u xirnaayeen, in la kordhin doono weerarrada ka dhanka ah kooxda gudaha bishan June.

Wuxuu sheegay in ololaha milateriga ee ay wadaan ciidanka qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM laga soo hooyay guulo wax ku ool ah, kooxdana ay hadda maamusho wax ka yar 20 boqolkiiba dalka.

“Waxaan rajeyneynaa in bilaha soo socda dalka oo dhan la xorrayn doono,” ayuu yiri raysul wasaaraha.

Wuxuu xusay inay qarka u saaran yihiin inay dagaalka uga adkaadaan Al-Shabaab.

Wuxuu intaas raaciyay inay rajeynayaan in dabayaaqada sanadkan dhammaan maamullada gobollada ay xor noqon doonaan, isla markaana la gudagali doono xasillinta dalka iyo dib u soo noolaynta kaabayaasha muhiimka u ah bulshada.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular