spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeSabeen Mehmud oo lagu dilay Pakistan
Array

Sabeen Mehmud oo lagu dilay Pakistan

Mid ka mid ah shakhsiyaadka hormuudka ka ah u dhaq-dhaqaaqidda xaquuqda aadanaha dalka Pakistaan ayaa lagu toogtay gudaha magaalada Karachi ee dalkaasi Pakistaan.

Sabeen Mehmud ayaa ahayd agaasimaha hay’ad samafal oo lagu magacaabo T2F oo inta badan qabata kulamo aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsan arrimaha xaquuqul insaanka.

Sabeen Mehmud ayaa dhowr jeer la toogtay, xilli ay wadday baabuur kuna sii jeeday xaafaddeeda iyada iyo hooyadeed kaddib markii ay ka soo laabatay kulan aqoon is-weydaarsi ah oo ay ka qayb gashay.

Hooyadeed ayaa weerarkaasi lagu dhaawacay balse haweeneydaasi hawlwadeenka ah ayaa geeriyootay iyada oo Isbitalka loo sii wado.

Mehmud ayaa muddo sanado ah waxa ay dhiirigelinaysay dulqaadka iyo arrimaha xaquuqda aadanaha iyada oo hawshaas ka waday magaalada ugu weyn dalkaasi Pakistan.

Maktabad iyo maqaaxi shaaha laga cabo oo ay la hayd ayaa ka mid ahaa goobaha hawlwadeenada calmaaniyiinta iyo ardayda ay ku kulmaan oo ay uga doodaan arrimaha khuseeya dumarka iyo xag-jirnimada.

Aqoon is-weydaarsiga ay hay’addeeda martigelisay shalay oo jimco ahayd ayaa waxa ay ku saabsanayd ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamada milatariga dalkaasi pakistaan ay ku lug leeyihiin jirdilka iyo dilalka ka dhanka ah waddaniyiinta ku sugan gobolka Balochistan, arrintaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in looga digay in ay faraha la gasho.

Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa ahaan jiray darawal basaska, waxa uuna jecelyahay in uu xiriir la yeesho dadka caadiga ah ee dalkiisa isaga oo gaadhii bas ah ku soo booqda goobaha ay bulshada deggan tahay.

Intii uu ku jiray safarka ee uu marayay gobolka Anzoátegui, waxaa lagu dhuftay cambe daaqada uga soo galay.

Maalmo kaddib isaga oo si toos ah TV u fadhiya Maduro waxa uu soo saaray cambihii oo ay ku qoranyihiin erayo ah haddii aad isoo wicikarto iyo taleefan namberka, haweenayda konton iyo afar jirka ah ee Marleny Olivo oo la nool hooyadeed iyo qaraabo kale.

Madaxwayne Maduro waxa uu sheegay in saraakiisha xafiiskiisu ay la xidhiidheen Olivo oo xoogaa ka walaacsanayd wicitaanka la soo wacay ilaa markii dambe looga sheegay in la siiyay guri qayb ka ah mashaariic waawayn oo guryo loogu dhisayo dadka reer Venezuela.

Waxa uu sheegay in cambuhu bislaaday uuna balanqaaday in uu cunidoono isla habeenkaasi.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular