Taleefishinka Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegay in isbahaysiga ay horkacaysa Boqortoyada Sacudiga ay joojinayso duqeyntii cirka ahayd ee dalka Yemen.
Weerarka loogu magac daray Decisive Storm waxaa laga gaaray ujeedooyinkii laga lahaa ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaarada Gaashaandhiga ee Sacudi Carabiya.
Hase yeeshee howgal cusub oo loogu magac daray Rajo Soo Celin “Restoring Hope” ayaa boqortoyadu sheegtay in ay ka bilaabayso dalka Yemen taasoo xoogga lagu saarayo xal siyaasadeed, sugida amniga iyo weliba la dagaalanka argagaxisada.
Isbahaysiga oo muddo ku dhow bil duqeyn dhinaca cirka ah ku qaadayay dalka Yemen ayaa joojin waayay xoogaga mucaaradka ee Xuutiyinta inay dhul hor leh qabsadaan.
Afhayeenka ciidamada huwanta Brig-Gen Ahmed al-Asiri ayaa ka sheegay magaalada Riyadh in loo joojiyay weerarada cirka ah codsi ka yimid madaxweynaha dalka Yemen Cabdrabi Mansoor Hadi.
Joojinta duqeynta oo bilaaban doonta caawa saqda dhexe xilliga dalka Yemen ayaa duqeyntii ugu dambeysay ee dhacday maanta waxaa ku dhintey 30 ruux oo badankood ay rayid ahaayeen.
Kahor inta aysan ku dhowaaqin Sacudi Carabiya joojinta duqeynta cirka ah ayaa wasiirka arrimaha dibada dowlada Iran sheegay in uu filayo in xabad joojin la gaarayo saacadaha soo socda.
Dowlada Iran ayaa soo bandhigtay hindise afar qeybood ah taasoo tan ugu horeysa ay tahay xabad joojin,kadibna in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo dalka Yemen iyo in wadahadal la isugu yimaado lagu xallinayo khilaafka ka jira Yemen ugu dambayntiina la dhiso dowlad salballaaran oo qeybaha kala gedisan ee dalka Yemen ay ka wada dhex muuqdaan.
Dalka Yemen ayaa waxaa ka qarxay qalalaase siyaasadeed kaasoo u dhexeeya Xuutiyiinta ama mucaaradka Shiicada iyo dowelada Yemen oo ciidamadoodu ay u badan yihiin Sunni, hase yeeshee mucaaradka Xuutiyiinta ayaa waxa ay qabsadeen caasimada dalka Yemen ee Sanca bishii January, waxayna xabsi guri geliyeen madaxweyne Hadi.
Hase yeeshee Hadi ayaa ka baxsaday Xuutiiinta isagoo gaaray magaalada Cadan bishii Febraayo maadaama uu taageerayaal badan uu ku lahaa hase yeeshee waxa uu ka tegey magaalada Cadan dhamaadkii bishii March kadib markii ay duleedka magaalada Cadan soo gaareen ciidamada Xuutiyiinta oo ay taageerayaan maleeshiyaad taabacsan madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalle Salax.