spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeSaldhig ay leeyihiin ciidamada cirka dalka Pakistan oo la weeraray
Array

Saldhig ay leeyihiin ciidamada cirka dalka Pakistan oo la weeraray

Koox hubeysan oo ka tirsan ururka Talibanta Pakistan ayaa xalay xilli saq dhexe ah weerar ku qaaday  saldhig ay ciidamada cirka dalka Pakistan ku leeyihiin meel u dhaw magaalada Pishawar.

Wararku waxay sheegayaan weerarkaas oo saacado badan socday inay ku naf waayeen ciidamo ka tirsan military,ga Pakistan .

Afhayeen dawlada u hadlay ayaa sheegay in saldhiga la weeraray oo la yiraahdo Badabeer oo ay degen yihiin saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada cirka Pakistan inay dileen 5 ka mid ah kooxdii weerarka qaaday.

Afhayeenkaan oo la yiraahdo Caasim Bajwa waxaa uu sheegay in dhankooda ay 2 ka askari kaga geeriyooday weerarkii xalay.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular