Taliyaha Ciidanka Booliiska Magaalada Kismaayo Kornel Gaboobe Xasan Barre ayaa Warbaahinta ugu warbixiyay waqtiga uu qadanayo tababarkan iyo waxa uu ka bedelayo tababarkaan amaanka Magaalada Kismaayo.
Waxa uu xusay in Maamulka Jubbaland uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Saraakiishaan loo tababaro maadaama sida uu tilmaamay iminka ay wadaan Barnaamij lagu xoojinayo amaanka deegaanada ay ka taliyaan Maamulka Jubbland.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan iney buuxiyaan boosaska Saraakiishan inta ay tababarka ku maqan yihin si uusan faraha ugu bixin amniga Magaalada Kismaayo