Saraakiishaan oo shalay maxkamada la horkeenay kadibna laga dooday, arintooda ayaa maanta maxkamada ay go’aan rasmi ah ka qaadatay, iyadoo xuriyadooda la siiyay.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Darajada Koowaad Xasan Cali Shuute, ayaa sheegay in dambi lagu waayay Saraakiishaan Nabad Suggida ka tirsan, sidaasi awgeedna maxkamada ay fasaxday.
Saraakiisha la siidaayay ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin.
1-Gaashale dhexe Maxamed Daahir Cabdule Taliyihii hore Degmada Hodan
2- Labo Xidigle Mahad Cabdi Cumar
3- Xasan Daahir Maxamed
4 Kormeere Saddexaad Axmed Qadar Maxamed Xasan
Bishii Janaayo ee sanadkaan ayeey aheyd markii Saraakiishaan loo xiray inay fududeeyeen weerarkii Ismiidaaminta ee Hoteelka SYL lagu qaaday, xilligaasi oo Saraakiil ka tirsan Turkiga ay ku sugnaayeen.
