Dalka Taiwan waxaa la daabacay nuqul gaar ah ee kaarar cusub, oo lagu raaco gaadiidka dadweynaha, waxaana ku sawiran gabar u dhalatay dalka Japan, oo matasha filimada qaawanaanta ee dadka waaweyn. Waxaa kaararkan lagu iibsaday afar saac gudahood.
Sawirka Yui Hatano ee kaarka dharkeeda ayay gashan tahay, lakiin dad badan ayaa ka carooday arrinkani.
Dukaamo badan ayaa diiday inay iibiyaan kaararka. Shirkadda gaadiidka, ayaa markii dambi ku qasbanaatay in shan iyo toban kun oo kaar ay ku iibiso qad telefoon oo dadku si toos ah u soo wacaan. Lacagta kasoo baxda ayaa la sadaqayn doonaa.