Duqa Degmada B/weyne cumar Aadan deqoow oo manta shir jiraaid saxafada ugu qabtay xafiskiisa ayaa waxaa uu ka hadlay tirakoobki dhawaan ay soo bandhigtay wasarada qorsheynta Xukumada soomaaliya taa oo lagu shegay tirakoobka Dadka ku nool Soomaaliya.
Cumar Aadan Baadiyow Duqa degmada beledweeyne ayaa shegay in taasi aay tahay mid xaqiqada ka foog anaan loo bahneeyn in Dowlada ay soo bandhigto tira koob aan sax aheyn ee Dadka Soomaaliyeed.
Duqa B/weyne Mr Baadiyow waxa uu hoosta ka xariqay in ay sii weeyn uga soo horjedaan tirada ay Dowlada ku shegtay Dadka ku nool guud ahaan Gobalka Hiiraan Waxana uu shaaciyay in tiradaasi ay aad uga badan tahay Dadka hada ku nool Guud ahaan Gobalka Hiiraan.
Hadalka Duqa degmada beledweeyne ayaa waxaa uu imanayaa xilli tirakoobkii ay soo bandhigtay dowlada soomaaliya ay ka soo horjeysteen Maamulada Puntland Jubaland iyo Mamuulka GobalkaBanaadir.
Halkan Hoose Ka Dhageyso.