spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeShariif Xasan oo magacaabay Taliyaha Nabad Suggida magaalada Baydhabo
Array

Shariif Xasan oo magacaabay Taliyaha Nabad Suggida magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu Digreeto ku magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Magaalada Baydhabo.

Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa noqonaaya Taliyaha Nabad Suggida, sida uu Madaxweynuhu ku cadeeyay Digreeto ka soo baxday Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha, ayaa magacaabidda Taliyaha waxa uu u cuskaday qodobo Dastuuri ah, isagoona Digreetada ku xusay inuu ku qancay kartida, aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee Sarkaalkaasi.
Aflow wuxuu horey u soo noqday Xoghayihii Maamulka Gobolka Baay, waxa sidoo kale uu soo noqday Madaxii Maaliyadda Magaalada Baydhabo.
Aflow waa nin dhalinyaro ah oo fir fircoon, si weyna ay u garanayan dadka degan Xarunta Gobolka Baay Ee Magaalada Baydhabo. Waxaana laga rajeynayaa in uu ka soo baxi doono waajibaadka xilligan loo igmaday

taliyaha nabad sugida baydhabo

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular