Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda Federalka Somalia Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa ka hor yimid heshiis shalay Magaalada Dooloow ay kuwada galeen Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland.
Sababta uu uga hor yimid heshiiskaasi isaga iyo Siyaasiyiinta Reer Gedo, ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in Axmed Madoobe uu qiyaano sameeyay, kadib markii uu tagay Kismaayo uu ku dhawaaqay inuu xilka ka qaaday Kaliil.
Kaliil ayaa sheegay inay sharcidaro tahay xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna tilmaamay siyaasiyiinta shalay heshiiska la gashay Axmed Madoobe inuu shir kaga socdo Magaalada Dooloow oo go’aano ay soo saari doonaan.
Shalay ayaa dhinacyada Jubbooyinka iyo Gedo waxa ay ku heshiiyeen Shan qodob, balse hada waxaa muuqata khilaaf dhinacyadaan sii kala fogeynaya.
Xubnaha Siyaasiyiinta ee kasoo jeeda Gobolka Gedo, ayaa shir kaga socda Gobolka Gedo, waxaana ay soo saari doonaan go’aano ay ku sababeynayaan diidmadooda heshiiska.
Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay qodobada lagu heshiiyay inay kala yihiin:
1: Baarlamaanka Jubbaland in dib loogu noqdo dhismihiisa
2: Dastuurka Jubbaland in wax ka bedel lagu sameeyo
3: in Laga Heshiiyo halka ay noqonayso Caasimada Jubbaland
4: Dhinacyada Siyaasada Jubbaland inay dhistaan Maamul ay u mideysan yihiin
5: In laga heshiiyo Degmooyinka Jubbaland ay yeelanayso
Axmed Madoobe oo markii uu ka noqday Dooloow tagay Magaalada Kismaayo, ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii ka qaaday Guddoomiye Maxamed Cabdi Kaliil.