Ku dhawaad 100 ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa iney xireen ciidamada booliska Angola kadib markii lagu qabtay howlgal ciidamada wadeen oo ka dhan ah dadka sida sharci darada ah ku gala dalkaasi.
Array
Soomaali badan oo lagu xiray dalka Angola kadib markii ay isku dayeen
Booliska dalka Angola ayaa sheegay in badankood dadka la xiray ay ahaayeen kuwo ganacsato ah kuwaasi oo ku eedeysan ineysan heysan cadeymo ay ku joogi karaan dalka Angola.
Qaar kamid ah dadka Soomaalid ah ee ku ganacsada dalka Angola ayaa dhankooda sheegaya in Soomaalida badankood la xiray kadib markii ciidamada ay galeen dukaamada ay ku ganacsadaan oo qaarkood dhibaatooyin loo geystay.
Saraakiisha ciidamada booliska ee dalka Angola ayaa sheegay iney bartilmaameydsan doonaan qof walbaa oo sharci daro ku jooga dalka Angola, si looga hortaga dadka amni darada ka geysan kara dalkaasi.
Laakiin dadka Soomaalida ee ka ganacsada dalkaasi ayaa sheegaya inuu jiro xiriir hoose oo u dhaxeeya ganacsatada kale ee ajaaniibta iyo ciidamada booliska ayna ku hishiiyeen in Soomaalida laga saaro dalkaasi maadaama ganacsiga ay ku wanaagsan yihiin.
20 kii sano ee lasoo dhaafay kumanaan Soomaali ah ayaa ka cararay dhibaatada ka taagan Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaqaaqay dalal badan oo Africa ku yaala sida Angola iyo Koofur Africa oo ganacsi wanaagsan ay ku sameysteen.
MUQAALADA