spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeSoomaalida Ku Nool Dalka Yeman Oo Donaya Iney Ku Soo Laabtaan Dalkooda...
Array

Soomaalida Ku Nool Dalka Yeman Oo Donaya Iney Ku Soo Laabtaan Dalkooda Kadib…….

Guddiga diiwaangalinta qaxootiga ka soo laabanaya Dalka Yemen ayaa sheegay in ay sii kordheyso tirada Soomaalida is diiwaangalinaysa maalinba maalinta xigta ee doonaya in dalkooda ay kusoo laabtaan.

Gudoomiyaha guddigan Dahabo Cabdi Faarax oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay diiwaangaliyeen ku dhawaad Kun qoys oo doonaya inay dalka dib ugu soo laabtaan.

“Dadka diiwaanka ku jira hadda waxay gaarayaan ku dhawaad Kun Qoys, dadku aad bay u badan yihiin, maalin walba markii aan bilawnay diiwaan gelinta ilaa iyo habeenkii ayeey nagu gaartaa” ayeey tiri Dahabo

Gudoomiyaha Gudiga waxa kale oo ay sheegtay in dagaalka Yemen uu kasii darayo, islaamrkaana diyaaradaha wax duqeynaya ay duqeeyeen xalay magaalada Sanca, halkaasi oo Soomaali badan ay ku sugan yihiin.

Soomaalida Qaxootiga ku ah Yemen nolol ahaan aad ayeey u liidataa, waxaana intaasi usii dheer dagaallada dushooda ku soconaya, iyadoo xilli walba noloshooda ay halis ku jirto.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular