spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya oo laga xusay maalinta Olympic-da adduunka
Array

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya oo laga xusay maalinta Olympic-da adduunka

Waxaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, maalinta Olympic-da adduunka waxaana soo qaban qaabiyay guddiga Olympic-da Soomaaliyeed ee magaciisa loo soo gaabiyo GOS.

Maalinta Olympic-da ayaa waxa ay ku beegneyd 23-ka bishii June, balse guddiga ayaa sheegay inay kusoo beegantay bisha barakeysan ee Ramadaan, sidaasi darteedna ay qaban doonnaan 23-ka July, munaasabadda ayaa si weyn shalay uga qabsoomtay Muqdisho.

Munaasabada oo ay ka qeyb galeen madaxda xiriirada kala duwan iyo marti sharaf kale ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Wiish, ee magaalada Muqdisho, ciyaaro ay ka mid yihiin orodka, kolayga, Taekwanduga iyo hiddaha iyo dhaqanka, qeeybahaasi ayaa waxa ay si weyn u soo jiiteen bulshadda soo xaadirtay garoonka.

Ugu dambeyn waxaa madasha hadal kooban ka jeediyay kaaliyaha xoghayaha guddiga Olympic-da Soomaaliyeed mudane Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow, waxana uu yiri: “Sannad kasta waxaa dunida looga dabaaldegaa maalinta Olympic-da adduunka oo ku beggan 23-ka June, sannadkan inaan doorrano 23-ka July, waxa ay maalinta kusoo aaday anagoo ku jirno bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaan u mahad-cellinayaa dhamaan xiriirada ka qeyb galay munaasabaddan.”

IOC, oo ah hay’ada ugu sarreysa Olympic-da adduunka iyo kuwa hoos yimaado ayaa waxa ay si aad ah u weyneeyaan maalintan.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular