spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeSuuqa saamiyada New York oo saacado istaagay
Array

Suuqa saamiyada New York oo saacado istaagay

Dhamaan ganacsigii ka socday suuqa saamiyada ee ugu weyn dunida ayaa istaagay muddo 3 saacadood iyo bar ah, sababo la xiriira khaladaad farsamo oo gudaha ah.

Ganacsiyada suuqa NYSE ee New York waxay dhamaantood joogsaday 11:30 barqannimo ee wakhtiga bariga Maraykanka.

Dhibaatadu waxay saamaysay oo kaliya suuqa NYSE, taasoo micnaheedu ahaa in suuqqyada kale, sida NASDAQ uu ganacsigoodu socday.

Khaladka farsamo ayaa yimid isla maalintii ay shirkadda dayaaradaha ee United Airlines joojisay dhamaanba duullimaadyadeedii kaddib dhibaato xagga kombutarrada ah.

Weli lama oga in ay yihiin arrimo isku soo beegmay, laakin sida ay sheegayaan saraakiil suuqa joogta, dhibaatadu ma aha mid ka dhalatay weerar ay ku soo qaadeen burcadda Internet-ka.

Qalabka Computerrada ayaa haatan caadi ku soo noqday suuqa saamiyada ee New York, ayadoo ganacsiguna sii socday.

Suuqa saamiyada New York oo saacado istaagay

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular