spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeTahriibayaal Laga Badbaadiyay Xebaha Dalka Talyaaniga Kadib Markii Ay Ciidamada Bada...
Array

Tahriibayaal Laga Badbaadiyay Xebaha Dalka Talyaaniga Kadib Markii Ay Ciidamada Bada Talyaaniga ku,,

Ciidamada badda Talyaaniga ayaa gurmad ay u fidiyeen ku badbaadiyay in ka badan 5,000 oo tahribayaal ah, kuwaasoo kasoo ambabaxay xeebaha Waddanka Liibiya.

Dadkan lasoo badbaadiyay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa waxay la socdeen in ka badan 10-doomood oo u badnaa doomaha bacaha ka sameysan.

Ciidamadda badda Talyaaniga ayaa sheegay inay isi soo tarayan dadka u soo tahriibaya dalkooda, ayna suuro-gal tahay in boqollaal tariibayaal ah ay soo gaaran xeebaha dalkooda xilliyada soo socda.

Sagaal qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen badda; kuwaasoo ka mid ahaa 150 ruux oo dooni keliya la socday, iyadoo la soo sheegayo in xaaladda badda ay tahay mid aad u kacsan.

Tahriibayaashan la badbaadiyay oo kazoo jeeday dalalka Afrikaan iyo kuwa Aasiyaan ayaa la sheegayaa inaysan Somali ku jirin, iyadoo tahriibayaashan laga dareemayay daal badan; waxayna intooda badan u dhasheen dalka Suuriya.

Ugu  dambeyn, toddobaadkan waxay ciidamada badda Talyaaniga u ahayd mid mashquul badan, waxaana xukuumadda Roma lagu amaanay in shaqo adag ay qabteen.

Tahriibayaal_la_badbaadiyay

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular