spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeTaliyaha Guud ee Ciidanka Uganda oo tagay Janaale
Array

Taliyaha Guud ee Ciidanka Uganda oo tagay Janaale

Taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga Uganda Gen. Katumba Wamala  ayaa maanta booqday Saldhigii ay Al-shabaab Weerareen ee Magaalada janaale Gobolka Shabellaha Hoose.

Gen. Katumba Wamala  ayaa Kormeer ku sameeyay Qeybaha uu ka kooban yahay Saldhiga Weerarku uu ka dhacay ee Magaalada Janaale,waxaana uu Amaan u jeediyay Ciidamada AMISOM ee Saldhigaasi ku sugnaa.

“Ciidamada AMISOM ee Saldhiga Joogay aad ayaan ugu mahad celinayaa,waayo waxaa ay hureen Naftooda oo way iska difaaceen Kooxdii soo weerartay”ayuu yiri Gen. Katumba Wamala .

Dowladda Uganda ayaa maanta beenisay in Weerarkii janaale looga dilay 50 Askari islamarkaana waxaa ay sheegeen in 10 Askari ay uga dhinteen.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular