spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeTaliye ku xigeenkii saldhigga Booliiska Baydhabo oo toogasho lagu dilay
Array

Taliye ku xigeenkii saldhigga Booliiska Baydhabo oo toogasho lagu dilay

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa lagu dilay gellinkii dambe ee maanta taliye ku-xigeenka saldhiga booliiska degmada Baydhabo, Caliyow Salaad.

Dilkan ayaa waxaa geystay nin ku hubeysanaa bistoolada, kaasoo isla goobta uu ku geystay dilka taliye ku xigeenka lagu toogtay. Iyadoo goobta dilalkaAni ka dhaceen ay ahayd meel ku dhow Saldhigga Booliiska Baydhabo oo ku yaalla Agagaarka Afar-irdoodka Baydhabo.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa Waxaa Degmada Baydhabo lagu dilay dad badan oo isugu jiray; Nabad-doonno ,Culummaa’uddiin, warye iyo waxgarad kale, iyadoo amniga magaalada uu si aad ah u sii xumaanayo.

Toogashada taliye ku xigeenka booliiska degmada Baydhabo maanta lagu dilay ayaa kusoo beegmaysa iyadoo uu socdo Qorshe lagu bedelayo maamulka heer gobolk iyo heer degmo ee hadda jira, iyadoo howshan ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

gabagabadii , Ciidammo ka tirsan Booliiska iyo Millateriga ku sugan Gobolka Bay ayaa Gaaray Goobta uu Dilku ka dhacay, iyadoo uu weli yaallo Maydka Ruuxii geystay Dilka Taliye ku Xigeenka geystay ee isagiina la dilay.

 

baydhabo

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular