spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeTaliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka oo beeniyay ciidamada inaysan mushaaraad qaadan
Array

Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka oo beeniyay ciidamada inaysan mushaaraad qaadan

Taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa beeniyay in ciidamada Dowladda aysan wax mushaar ah qaadan bilihii ugu dambeeyay.

Indha Qarshe, ayaa wuxuu sheegay lixdii bilood ee la soo dhaafay Mushaaraadka ciidamada inay bixisay Dowladda Mareykanka, sidoo kalena ay qaateen ciidamada, balse uu sheegay inay jiri karaan bilo aysan ciidanka Mushaarka qaadan.
Taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa beeniyay warbixin ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Cunaqabateynta oo sheegay Mushaaraad inaysan qaadan ciidamada Xooga dalka Somaliya, taasina ay sabab u tahay mooraalka ciidamada oo xumaada.
Taliye Indha Qarshe, waxa uu sheegayaa ciidamada Xooga dalka Somaliya inay u dhiiran yihiin la dagaalanka Al Shabaab.
Indha Qarshe, ayaa lagu eedeeyaa inuusan bixin jirin Mushaaraadka ciidamada Xooga dalka Somaliya, sidoo kale intii uu haayay xilka wuxuu shaqada ka eryay Askar badan oo Dowladda ka tirsanaa oo qaar Haween ah ay ku jiraan.
Ciidamada Dowladda Somaliya ayaanan si joogto ah u qaadan mushaaraadka ay Dowladda xaqa ugu leeyihiin, xilli dagaal adag ciidamada ay kula jiraan Shabaabka hubaysan.

indhe qarshe

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular