spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeTaliyihii Hore Sirdoonka Dalka Burundi Oo Gantaal Lagu Dilay.
Array

Taliyihii Hore Sirdoonka Dalka Burundi Oo Gantaal Lagu Dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada Bujumbura ee Caasimada Dalka Burundi ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sargaal sare oo kamid ahaa Ciidamada Dalkaasi.

Wakaalada Wararka AFP oo la hadlay dad goobjoogayaal ah ayaa baahisay in Jeneraal Adolphe Nshimirimana gantaal lagu dhuftay gaari uu saarnaa xili uu marayay qeybo kamid ah Magaalada Bujumbuura .

Wali lama oga cida ka dambeysay dilka Jeneraalkan oo kamid ahaa raga ugu awooda badan Dalka Burundi, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in mudooyinkii dambe ay xurguf siyaasadeed ka dhaxeysay Madaxweynaha Talada Dalka Burundi haya iyo sargaalka la dilay.

Jeneraal Adolphe Nshimirimana ayaa soo noqday Taliyaha sirdoonka Dalka Burundi, waxa uu sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Ciidamada Dalkaasi, waxa uuna kamid ahaa saraakiisha ugu saameynta badan Dalka Burundi.

Wakaalada Warraka AFP ayaa sheegtay in markii dilka sargaalkan uu dhacay kadib qeybo kamid ah Magaalada Bujumbuura laga maqlay rasasa dhaceysa, inkastoo aan la sheegay waxa ay rasaastaasi aheyd.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular