spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeTurkiga oo maanta looga dareerayo doorashada Baarlamaanka ee dalkaas
Array

Turkiga oo maanta looga dareerayo doorashada Baarlamaanka ee dalkaas

Doorashada Baarlamaanka ee dalka Turkiga ayaa maanta looga dareerayaa dalkaas, iyadoo xisbiyada siyaasada ay maalmihii u dambeeyay wadeen olole aad u ballaaran oo ku aadan sidii ay kuraas badan u heli lahaayeen.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee dalkaas ka dhacda, tan iyo markii sanadkii hore Recep Tayyib Erdogan uu ku guuleystay doorashada Madaxtinimada, isagoo noqday Madaxweynaha dalkaas.

Laakiin waxaa maalintii sabtidii ka dhacay Turkiga weerar bam oo lagu qaaday isu soo bax ballaaran oo ay dhigayeen Xisbiga Kurdiyiinta, waxaana dowladda ay sheegtay inay wado baaritaan ku aadan weerarkaas iyo in bamka uu ahaa mid gudaha Turkiga lagu sameeyay.

Xisbiga Kurdiyiinta ayaa noqonaya kan go’aamin doona in Xisbiga Erdogan hoggaamiyo ee Cadaaladda iyo Horumarku uu helo kuraasta uu doonayo ee baarlamaanka iyo inkale.

Xisbiga uu hogaamiyo Erdogan ayaa haddii uu heli kuraasyo badan waxay noqon doontaa in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka dalkaas, taas oo awood siin doonta Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee doorashadan ayaa noqoneysa tii ugu adkeyd ee lagu loolamo Baarlamaanka, waxaana dalka Turkiga oo idil laga dareemayay loolanka siyaasadeed iyo ololaha ay wadeen Xisbiyada.

ordugan

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular