spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeUganda oo sheegtay inay heshay macluumad ku saabsan weeraro Shabaabka ay qorsheynayaan
Array

Uganda oo sheegtay inay heshay macluumad ku saabsan weeraro Shabaabka ay qorsheynayaan

Ciidamada booliska dalka Uganda ayaa ku dhawaaqay iney heleen xog ku saabsan qorshe alshabaab ay ku doonayaan iney ku weerareen dalka Uganda, inta lagu gudo jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Booliska Uganda ayaa digniin kasoo saaray qorshaha weerarka Alshabaab ku doonayaan iney ku weeraraan goobaha dadweynaha ku badan yihiin ee ku yaala magaalooyinka waaweyn ee dalka Uganda.
Fred Enanga, afhayeenka ciidamada booliska Uganda ayaa u sheegay wakaalada Wararka Xinhua in hayadaha amaanka ay heleen warbixin la xiriirta weerarka Alshabaab ay la qorsheynayaan iney ka geystaan dalka Uganda.
Sidoo kale wuxuu sheegay xogta ay heleen iney sheegayso in Alshabaab ay qorsheynayaan iney weeraro bishaan Ramadaan ka geystaan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Ethiopia, sida warbixinta lagu sheegay.
Digniinta ayaa kusoo aaday kadib markii Alshabaab dilal qorsheysan ay ka geysteen gudaha dalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana Uganda heegan buuxa ay gilisay ciidamada amaanka so weerarada Alshabaab looga hortago.
“Waxay waxay ka fuliyeen Somalia, waxaan ka shakisanahay iney qorsheynayaan iney sidaasi oo kale ka sameeyaan halkaan, iyo wadamada kale ee Kenya iyo Ethiopia inta bishaan lagu gudo jiro, waxaan dadweynaha ka dalbaneynaa iney feejignaan dheeri ah galaan”ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada booliska Uganda.
Wuxuu sheegay in dowlada Uganda ay heegan buuxa gelisay ciidamadooda amaanka si looga hortago weerar kasta oo Alshabaab qorsheeyaan iney ka geystaan dalka Uganda, sida uu sheegay afhayeenka booliska Uganda.

Askari Ugaandheys ah

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular