spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeUhuru Kenyatta oo diiday in mushaar kordhin loo sameeyo macalimiinta Iskuulada Kenya
Array

Uhuru Kenyatta oo diiday in mushaar kordhin loo sameeyo macalimiinta Iskuulada Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dawladiisa aysan awood u lahayn bixinta mishaar kordhinta ay dalbanayaan macalimiinta shaqa joojinta ku jira.

Khubad laga baahiyay talafeshinada ayaa Mr. Kenyatta waxa uu sheegay macalimiinta Kenya ay yihiin kuwa seddxaad ee ugu mushaarka badan qaarada Afrika.
Waxa uu sheegay in dawladiisa ay 52% dakhliga soo galo ay ku bixiso mushaaraadka shaqaalaha dawladda.
Xogahayaha Guud ee Ururka Maclimiinta Kenya Wilson Sission ayaa ku adkaystay in macalimiinta ay sii wadi doonaan shaqa joojinta oo isbuucii afaraad galayso Isniinta.
Kol hore, dawladda Kenya ayaa amartay in skuulada oo dhan la xiro laga bilaabo maalinta Isniinta ah
In kabadan 11 milyan oo caruur ah ayaa xaafadahooda joogi doona oo aan waxbarasho heli doonin.
macalimiinta kenya
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular