Hay’ada arimaha qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa sheegtay in wax la yaableh ay ku noqotay markii ay dowladda Kenya ku eedeysay in wada shaqeen kala dhaxeyso Xarakada Al-shabaab.
Wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa ku eedeeyey UNHCR in ay gacan saar la leedahay ururada argagexiso ee ka jira Kenya iyo Al-shabaab hadal uu ka jeedinayay Geneva.
Madaxa mas’uulka ka ah dhinaca xiriirka ee Hay’adaasi ayaa sheegay in qaab lama filaan ah hadalkaasi uu kusoo gaaray ayna la yaabeen.
Mas”ulka ayaa u sheegay dowladda Kenya in marka hore looga baahnaa in ay eedeynta hay’ada u sheegto kadibna sharciga la isla tagi lahaa si loo cadeeyo eedeynta.