Media Association Of Galgaduud Region (MAGRE) oo ah Ururka
Suxufiyiinta Gobolada Galgaduud ee Dalka Soomaaliya Ayaa wax laga
xumaado ku tilmaamay Xariga ay Culimada Ahlusunna ugu Geysteen
Magaalada Dhuusamareeb Shan ka mid ah Saxafiyiinta ka howl galaysay
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Ciidamada Culimada Ahlusunna ayaa qaadey Hamiinimadii Xalay howlgal ay
si gaara ugu beegsanayeen wariyayaasha ka howlgala magalada
Dhuusamareeb waxaana ay ku qabteen Howlgalkoodii xalay sadex wariye oo
qaarkood laga soo dhex watay iyagoo la caweynayay Caruurtooda halka
kuwa kalena laga dhex gabtay goobahoodii shaqo e ay ku lahaayeen
magaalada Dhuusamareeb.
Wariyayaasha xalay Xabsiga u hoyday ayaa kala ahaa Wariye Maxamed Deeq
Cabdi Maxamed oo kamid ah Wariyayaasha u shaqeeyay Warbaahinta
Dawlada, Wariye C/Jamaal Macalin Axmed oo ah wariye ka tirsan KalsanTV
iyo Radio Bar-kulan iyo Wariye Bashiir Maxamed Salaad (Bashiir Sanka)
oo ahaa wakiil Wareedka Horn CableTV.
Hawlgal kale oo kaas lamid la mid ah oo ay saaka qaadeen Ciidamada
Ahlsuna ayaa lagu Bartil maameedsaday Idaacada Codka Bartamaha oo
kamid ah idaacada ka howlgala Magaalada Dhuusamareeb waxaana jir dil
iyo Xarig loogu gaystay qaar kamid ah wariyayaashii warbaahintaasi
Madaxa banaan ee Codka Bartamaha.
Wariyayaasha halkaasi laga watey saaka ee iyagana la xiray Waxaa kamid
ah wariye C/laahi Warsame Rooble oo u shaqeeya Idaacada Codka
bartamaha ahna wakiil wareedka radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho iyo
wariye Laylo Nuur Cilmi oo iyaduna ah wariye ka tirsan warbaahinta
Codka Bartamaha ee magaalada Dhuusamareeb.
Weerarkaan ay Maamulka Ahlusunna ku qaadeen wariyayaasha ayaa yimid
markii Warbaahinta iyo wariyayaasha ku sugan Deegaanada ay maamulaan
ay ka biya diideen Sharci Cusub oo ay soo saareeen Maamulka Ahlusunna
kaasi oo loo soo bandhigay maamulka iyo wariyayaasha Warbaahinta ka
howlgasha Deegaanadaasi oo lagu yiri aqbala oo Saxiixa, waxaana
Wariyayaashu ay codsadeen in inta aan la soo bandhigin ay habooneed
in lagala tashodo si wax looga badalo ama wax lagu wada heshiiyay uu
noqodo sharciga Cusub ee ay keeneen Ahlusunna.
Sharcigan ayaa ah mid gabi ahaamba Ka hor imaanaya Saxaafada xorta ah
iyo Xaquuqda madaxa banana ee uu Wariyuhu leeyahay.
Bishii may ee Sanadkan ayaa ahlusuna waxay sidoo kale ay Xirtay Radio
Galgaduud xaruntiisa Magaalada Guriceel 18/ May 2015 kaasii xinraa
mudo 13 cisha ah waxaana sidii kale ay Ahlusunna mudo 48.saac ay
xabsiga dhigeen Agaasime ku Xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Guure
maalin ka hor Xiritaankii Radio Galgaduud 17/ May 2015.
Baaqa Ururuka.
Media Association Of Galgaduud Region (MAGRE) oo ah Ururka
Suxufiyiinta Gobolada Galgaduud Waxaa uu ugu Baaqayaa Culimaa’udiinka
Ahlusunna inay sida ugu Dhaqsiiyaha Badan ku siiyaan Xoriyadooda
Wariyayaasha.
C/kariin Axmed Gulxan
Gudoomiye Ku xigeenka Media Association Of Galgaduud Region (MAGRE)