spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWadahadallada Nabadda ee Taliban oo "burburay"
Array

Wadahadallada Nabadda ee Taliban oo “burburay”

Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa waxa ay sheegayaan in laga cabsi qabo inay fashilmaan wadahadallada dhowaantan ay dowladaha Pakistan iyo Afghanstan ay la galeen Taalibaan.

Kooxda ayaa hadda u muuqato inay laba garab u kala jabtay, kaddib markii golaha saree e Taliban ay sheegeen inaan lagala tashan doorashada hogaamiyaha cusub kaddib markii uu dhintay Mullah Cumar.

Farriintii ugu horeysay ee cod ah ee uu soo duubo hogaamiyaha cusub ee Taliban, Mullah Akhtar Mansour, waaxa uu ku sheegay inay tahay olole dacaayad ah, wadahadallada nabadda ee uu sheegay inay wadaan wax uu ku tilmaamay cadowga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Taliban ay sii wadi doonto Jihaadka.

Mullah Mansour ayaa la aaminsanaa inuu taageeraayay wadahadalladii dhowaantan ay dowladda Afghanistan iyo hogaamiyayaasha Taliban ay ku yeesheen Pakistan bishii la soo dhaafay.

Waxaa la sheegayaa in hadallada Mullah Mansuur hadda ka soo yeeray ee nabadda ku baaqaya inay calaamad u yihiin sida uu u doonayo inuu taageero ka helo qeyb ka mid ah kooxda oo kasoo horjeesatay wadahadallada, si uu u xajisto hogaanka cusub ee loo doortay.

Shiinaha iyo Mareykanka oo kulamadaasi riixayay ayaa waxa ay sheegayaan inay weli rajo ka qabaan in kooxda ay ka qeybgali doonto wadahadalka Jimcaha soo socda.

Dowladda Pkaistan oo dhankeeda ka faa’ideysaneysay kulamada oo wejigii koobaad dalkeeda lagu qabtay ayaa weli rajo ka leh in kooxda ay aqbaleyso shirarka.

Garab ka mid ah Taalibanka Afghanistan ayaa waxa ay ka soo horjeedaan Mullah Mansuur oo ay uga shakisan yihiin inuu u nugul yahay wax ay ugu yeereen cadowga Taaliban.

dhilibaan

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular