Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay in uu ka walaacsanyahay dib u sheegashada Shiinaha ee Jasiiradaha lagu muransanyahay ee badda koonfurta Shiinaha.
Isaga oo ka hadlaya shir jaraaid oo uu ku qabtay Beijing, waxa uu ku booriyay Shiinaha in ay talaabo qaadaan si ay u yareeyaan dareenka ka taagan halkaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi, oo isna garabtaagan Kerry ayaa diiday walaaca Maraykanka, waxa uuna sheegay in biyaha lagu muransanyahay ay ku yaalaan dhulka Shiinaha ayna tahay arrin la xiriirta Madaxbanaanidooda.
Maraykanku waxa uu sheegay in Shiinuhu uu dib u sheegay sanadkii hore sideed boqol oo hektar, lagana cabsi qabo in uu ka samaynayo saldhigyo millitari.