spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWadanka Suuriya: Oo 60 Qof Kabadan Lagu Dilay Kadib Markii,,,
Array

Wadanka Suuriya: Oo 60 Qof Kabadan Lagu Dilay Kadib Markii,,,

Ugu yaraan 60 qof oo badankood rayid ah, ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dalka Suuriya, kaddib markii ay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidammada dowladda Suuriya, ay dadkaasi ku weerareen foostooyin ay ku jiraan walxaha qarxa.

Weerarkaasi ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay degmada Al Bab ee gobolka Xaleb, halkaas oo ay ka taliyaan xooggaga Daacish.

Weerarka ayaa lagu tilmaamay in uu yahay kii ugu ba’naa ee ay sanadkan ciidammada dowladda u gaystaan shacabka Suuriya.

Weerar kaas la mid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaaradaha dowladda la beegsadeen magaala madaxda Xaleb, waxaana weerarkaasi ku dhintay 12 qof oo sideed ka mid ah ay yihiin hal qoys.

Foostooyinka laga soo buuxinayo waxyaabaha qarxa kaddibna laga soo tuuro diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa waxa ay ka mid yihiin hubka dadka badan lagu laayo, waxaana isticmaala ciidammada dowladda Suuriya.

Waxaa lagu soo waramayaa in maalin walba ay weeraradani ka dhacaan qaybo ka mid ah Suuriya.

Madaxweyne Bashar al-Asad wuu beeniyay in ciidamdiisu ay adeegsan hubka noocan oo kale ah, balse isticmaalka hubkan iyo dhibaatada ka dhalata ayaa waxa laga diyaariyaa muqaalo iyo maclumaad.

Inkasta oo ay jirto dhaleecayn caalami ah haddana waxay u muuqataa in ciidammada dowladda ay sii wadaan isticmaalka hubka noocan ah xilli uu gacantood ka sii baxayo dhul badan oo ay ka talin jirtay xukuumadda.

suuriya

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular