spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWafdigii Jigjiga u aaday xalinta dagaaladii xadka oo ku laabtay Cadaado
Array

Wafdigii Jigjiga u aaday xalinta dagaaladii xadka oo ku laabtay Cadaado

Wafdigii dowladda Soomaaliya ee maalmahan ku sugnaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta dib ugu laabtay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kadib markii heshiis laga gaaray dagaaladii dhowaan ka dhacay xadka.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo horkacayay wafdiga dowladda ayaa sheegay in heshiis laga gaaray dhibaatadii ka dhacday xadka, isagoo ka mahad celiyay sida loo soo dhoweeyay.

Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska laga gaaray xalinta colaada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhinaca kale Ilaa shan ruux oo maxaabiis lagu qabtay dagaalka oo qaarkoodna dhaawacyo qabay ayaa maanta laga dejiyay degmada Cadaado, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo uu sheegay in maxaabiistan si wanaagsan loogu wareejiyay, isla markaana si wanaagsan loola dhaqmay.

Mr Cirfo ayaa sheegay in wixii dhacay laga heshiiyay, isla markaana aysan dib dambe u soo laaban doonin, waxaana uu xusay in si aanay fileyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jigjiga, isagoo ka mahad celiyay soo dhoweyntaas.

Dagaaladii ka dhacay xuduuda Gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya ayaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu  ayaa dhex maray maleeshiyo deegaanka iyo Ciidamada Liyuu Boolis, waxaana ku dhintay dagaalka ilaa kontameeyo ruux.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular