Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhinac ahaa iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka bari ee magaalada Beledweyn, iyadoo dagaalka ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka  ayaa ka dhacay  Nawaaxiga Degaanka {Nuur fanax} oo qayaastii  45 KM u jirta Beledweyn dhinaca koofureed ,
Warar kala duwan ayaa ka sobaxaayo halka lagu sheegay in uu dagaalka ka dhacay wararka qaar waxa ay shegayan in ay dhacaday duqeyn ay geysteen diyaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka  kuwaas oo ay wateen ciidamada AMISOM
Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa bilaabay howl gallo la isugu furayo wadada isku xirta Beledweyn iyo Buulo Burde, halkaasoo muddo sanad iyo bar ay go’neyd.
ilaa iminka waxaan wadnaa sidii aan xug buuxda uga helilaheyn goobaha  laga so shegayo dagaalka iyo duqeynta wali suragal uma noqon Radio Hiranweyn in ay Sibuuxda u ogaato waxa  mesha ka Dhacay
Howl gallada ay wadaan ciidamada huwanta ayaa maalmihii la soo dhaafay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo Xarakada Al-Shabaab ay muddooyinkii u dambeeyay luminayeen deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Waxii Faah Faahin Ah Kala Soco Wararkeena Danbe Insha allah