Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in koox hubeysan ay goor dhaw dileen gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmadaasi Cabdifitaax Barre Guure.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen gaariga gudoomiye ku xigeenka, iyadoo sidoo kale halkaasi uu ku dhintay mid ah askarta ilaalada u ahaa mas’uulkan.
Maamulka degmada Wadajir ayeeynu isku daynay inaan arintaan wax ka weydiinno si aynu xog badan u helno, hase ahaatee inooma suurta gelin.