spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWar Dag Dag Ah Kulan Lagu Saxiixaayo Maamul Usameynta Hiiraan Iyo Sh/...
Array

War Dag Dag Ah Kulan Lagu Saxiixaayo Maamul Usameynta Hiiraan Iyo Sh/ Dhaxe Oo Madaxtoyada Ka Socdo

Waxaa Madaxtooyada Soomaaliya hada ka soconaya Kulan looga arrinsanayo  Maamulka loo sameeynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,iyadoo Madaxtooyada Soomaaliya ay ka socoto Xaflada.

Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ,Wasiiro,Xildhibaano ,Odayaal iyo Siyaasiin ka soo jeeda Labada Gobol.

Sidoo kale Munaasabadda waxaa jooga Safiirada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Labada Guddoomiye ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Maamulka ayaa la sheegay in Mudo Labo Bilood ah lagu sameynayo,iyadoo Sidoo kale 12 Maalin loo qabtay in Beelaha dega Goboladasi lagu Heshiisiiyo.

Heshiiska ayaa waxaa Saxiixay Labada Guddoomiye ee kala ah C/fitaax Xasan Afrax iyo Cali Guud Laawe oo Labada Gobol Guddoomiye ka ah,waxaana Dowladda u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale waxaa Heshiiska Saxiixay 12 wasiir oo ka soo jeeda Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Warbaahinta uga Warbixiyay Kulanka looga hadlayo Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Maalmihii danbe waxaa jiray Siyaasiin ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha oo ku kala Aragti duwan halka lagu qabanayo Shirka Maamulka loogu sameynayo Labaadaasi Gobol.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular