Weerar noociisa uu yahay Ismiidaamin ayaa goor dhaweyd lagu qaaday gaadiid ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo maraayay Degmada Hodan.
Weerarkaan wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho iyo Isbitaalka Xooga dalka, xilli gaadiidkaan ay halkasi marayeen.
Gaari nooca raaxada ah ayaa la sheegay in lagu fuliyay weerarkaan, waxaana jira khasaaro ka dhashay weerarkaan oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidan intaba.
Waxaa la sheegayaa in qaar ka mid ah ciidamada Somalida ee ilaalada u ah Imaaraadka Carabta ay halkasi ku dhinteen, inkastoo aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin.
Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay taageero siiyaan Dowladda Federaalka Somalia, dhismaha Isbitaalka ciidanka Xooga dalka waxaa dhisay Imaaraadka carabta.