spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWar Deg Deg ah Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga Africa iyo Wariye...
Array

War Deg Deg ah Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga Africa iyo Wariye Cawil Dahir Salaad oo Muqdisho lagu xiray

Ciidamada amaanka dalka ayaa Xabsiga dhigay Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga Africa C/llahi Xirsi Kulmiye iyo Cawil Dahir Salaad oo kamid ah Barnaamij soo saarayaasha Tv-ga.

Labada Weriye ayaa Magaalada Muqdisho lagu xiray galabnimadii maanta, waxaana la sheegayaa in xarigooda uu ka danbeeyay kadib markii ay tabiyeen Barnaamij looga hadlaayay arimaha Amaanka dalka oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada kaasi oo si Live ah uga baxaayay Tv-ga.

Labadaani Wariye ayaa la dhigay Xabsi ku yaalla Godka Jilacow ee Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Ehelada Labada Weriye.

Dowlada Federaalka wali wax hadal ah kama soo saarin Xariga waxaana la sheegayaa in Xarigaasi uu dhacay saacado ka dib goortii uu Barnaamijkaasi hawada ka baxay.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular