spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWar Deg Deg Ah "Ciidamada Yuhuuda oo gudaha u galay Masjidka ...
Array

War Deg Deg Ah “Ciidamada Yuhuuda oo gudaha u galay Masjidka Al Aqsa

Ciidamada Yuhuuda oo adeegsanaya rasaas ay ku ridayaan shacab Muslimiin ah oo difaacaya beydka Allah ayaa gudaha u galay Masaajidka Al Aqsa, kadib iska hor imaad dhexmaray ciidamada Yuhuuda iyo shacabkii Masaajidka difaacayay.

Iska hor imaadka oo maanta oo Axad ah dhacay, ayaa ciidanka Yuhuuda waxa ay adeegsanayeen rasaas nool nool oo ay ku kala eryeen dadkii Masaajidka Difaacayay.
Ciidamada Yuhuuda, waxa kaloo ay adeegsanayeen Bambooyin ay ku tuurayeen dadka shacabka ah, waxaana intaasi kadib u suuragashay inay gudaha u galaan ciidamada Masaajidka.
Afhayeenka ciidamada Booliska Yuhuuda Jerusalem , Asi Aharoni balse ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay Iska hor imaadkaasi.
Shacabka Falastiin ee Difaacaya Beydka Allah ayaa dhagxaan ku tuuraya Ciidanka Yuhuuda ee gudaha u galay Masaajidka.

al aqsa

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular