spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWar Deg Deg Ah Madaxweynaha Somalia, Shariif Xasan iyo Xubno kasocda Beesha...
Array

War Deg Deg Ah Madaxweynaha Somalia, Shariif Xasan iyo Xubno kasocda Beesha Caalamka oo gaaray Cadaado

Wararka ka imaanaya Magaaada Cadaado ayaa sheegaya in goordhaw garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ay ka dageen masuuliyiin sar sare iyo xubno katirsan beesha Calaamka oo ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katiran labada Golle ee Dowlada ayaa goordhaw gaaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug iyo Masuuliyiin kale .

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno maamulkiisa katirsan ayaa iyana gaaray Magaalada Cadaado, waxa ayna ka qeyb galayaan Caleemo saarkaa Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Waxaa sidoo kale Cadaado goordhaw iyana gaaray xubno katirsan beesha Caalamka ay ku jiraan Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nikolas Kay , Ergayga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo xubno kale kasocda beesha Caalamka.

Masuuliyiintan ayaa dhamaan ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xueen Guuleed, waxaana loo galbiyay xarunta ay ka dhaceyso Caleemo saarka, amaanka Magaalada Cadadao ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana aad u yar isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular