spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWAR DEG DEG: Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Si rasmi ah u bilaabatay
Array

WAR DEG DEG: Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Si rasmi ah u bilaabatay

Waxaa si rasmi ah goor dhaw Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud uga biloowday doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Hoolka Shirarka Magaalada Cadaado ayeey doorashada goor dhaw ka bilaabat, waxaana Xildhibaanada ay dooran doonaan musharaxa ay u arkaan inuu yahay midka u qalma hogaaminta Gobolada Dhexe.

89 Xildhibaan oo Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu ka kooban yahay ayaa soo dooaranaya Madaxweynaha ay u arkaan inuu qaban karo hogaanka Maamulka Gobolada Dhexe, inkastoo Xildhibaanada ay kala taageersan yihiin musharaxiinta xilkaan u taagan.

 

 

Hoolka Shirka Magaalada Cadaado ayaa aad u camiran oo waxaa ku sugan Xildhibaanada wax dooranaya, masuuliyiin doorashada lagu casuumay, Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia, Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo musharaxiinta tartamaysa.

 

Xildhibaan waliba wuxuu warqada uu ugu codeeyay musharaxa uu doonaya uu ku ridayaa sanduuqa doorashada oo hor yaalla guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee Maamulka Galmudug.

 

 

Musharaxiinta xilkaan u taagan ayaa kala ah

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed

Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan

Axmed Macalin Fiqi

Maxamed Cilmi Afrax

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid

Xuseen Maxamed Qalaad

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular