Magaalada Cadaado oo ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan doorashada madaxtinimada Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa lasoo sheegayaa in halkii cod ee Xildhibaanka lagu baadigoobaayo lacag aad u badan.
Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ayaa baaris ay sameysay ku ogaatay in codka Xildhibaanka lagu raadinaayo inta u dhaxeysa 20-kun oo doolarka Mareykanka ilaa 15-kun.
C/laahi Maalin Gaafoow Aasparo oo Xildhibaanada Maamulka Galmudug ka mid ah oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa xaqiijiyay inay jirto lacagta lagu baadigoobaayo codka Xildhibaanka, wuxuuse ka gaabsaday inuu faah-faahiyo cadadka lacagta.
Musharaxiin uu ugu cad-cad yahay C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Magaalada Cadaado la dhex wareegaya lacagta, sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa isna la wareegay lacag.
Xildhibaanada Maamulka Galmudug iyaga ayaa dooranaya qofka ay u arkaan inuu qaban karo hogaanka Maamulka Gobolada Dhexe, balse meesha lacag ayaa taallo oo waxaa suuragal ah in Xildhibaanka uu doorto meesha uu ka helayo lacag badan.