Ciidamada ammaanka dalka South Sudan ayaa waxa ay xireen wargeys iyo idaacad caan ka ah dalkaasi.
Wargeyska oo lagu magacaabo Citizen ayaa waxaa la xiray maalintii Isniinta ahayd, maalin kaddibna mas’uuliyiinta waxa ay xireen xafiiska idaacadda Free Voice ee South Sudan, idaacaddaasi oo uu taageero Mareykanka, islamarkaana u ololeysa dib u dhiska nabadda.
Tifaftiraha wargeyska Citizen, Nhial Bol, ayaa sheegay in xiritaanka wargeyska uu yimid kaddib markii uu wargeysku war qoraal ah uu ku taageeray qorshe lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda.
Dhexdhexaadiyeyaasha colaadda South Sudan ayaa waxa ay u qabteen Madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka, Riek Machar, ilaa iyo 17-ka bishan August in ay ku saxiixaan qorshaha nabadda dalkaasi.
Guddiga Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ ayaa cambaareeyay tallaabadan ugu dambeysay, waxa uuna guddigani sheegay in xiritaanka idaacadda Free Voice ee South Sudan ay sidoo kale saameysay tabintii idaacadda VoA, taasi oo ay xafiiska wadaagaan.
Qaramada Midoobay ayaa ku eedaysay hoggaamiyeyaasha South Sudan in ay danahooda shakhsiyadeed ka hormarinayaan baahida shacabka, waxaana muuqanaysa in ay sii fogaanayso rajada laga qabo in nabad laga dhaliyo dalkaasi.