spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWarbaahinta Madaxa Banaan Ee Duusamareeb Iyo Guraceel Oo Xayiraadii Laga Qaday {DAAWO...
Array

Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Duusamareeb Iyo Guraceel Oo Xayiraadii Laga Qaday {DAAWO SAWIRADA}

Kadib 13 maalmood oo ay hawada ay ka maqnayeen Warbaahino madaxbanaan oo ku yaala Gobolka Galgaduud oo ay kamid tahay tahay Radio Galgaduud oo xarumahedii Guricel iyo Dhuusomareeb la damiyay ayaa waxa ay galabta dib ugu soo laabatay hawada kadib heshiis la gaaray.

Heshiiskan oo ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb ayaa lagusoo afjaray isfahamwaa soo kala dhexgalay Maamulka Ahlusunnada G/dhexe iyo Masuuliyiinta Warbaahinta iyo Wariyaasha ka howgala Degmooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb kaa oo dhowr jeer lagu guul dareystay.

Guusha laga gaaray wadahadaladan ayaa waxaa sabab u aheed tanaasul iyo dulqaad labada dhinac muujiyeen taasi oo kentay in eesha laga saaro waraaqo ay horey u diideen bahda Saxaafada isla markaana lagu badalay qodobo kooban oo labada dhinac ay isku fahmeen.

Ugu danbeyn ayaa waxaa goobta lagu saxiixay qodobada lagu heshiiyay waxaana dhanka Maamulka u hadlay Madaxa arimaha Bulshada Maamulka Dhuusomareeb Xasan Subagle iyo Afhayeenka Maamulka G/dhexe Mursal Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefoow.

Sidoo kale dhanka Wariyaasha ayaa waxa u hadlay C/jamaal Macalin Axmed iyo Bashiir Cabdi Xiireey waxayna labada dhinac bogaadiyeen talaabada horusocodka leh ee la wada qaaday taas oo keentay in lais fahmo.

Ugu danbeyn ayaa waxa ay noqoneysaa talaabadani mid ilaalineysa Xuriyada wariyaasha iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee ka howlgala Dhuusomareeb iyo Guriceel.

Shaqalaha Radio galgadud (2) Shaqalaha Radio galgadud (1)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular