Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkan uu kordhay dakhliga ka soo xarooda gudaha dalka, isla markaana horumar laga sameeyay dhanka dakhli uruurinta.
C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in dhaqaalaha dalka uu isku filnaado.
Wasaaradda Maaliyadda waxay ka sameysay dhanka dakhli uruurinta horumar aad u ballaaran tusaale ahaan laga soo bilaabo sanadkii 2014 dakhliga gudaha ee dowladda wuxuu ahaa wax ka yar 5-milyan bil walba hadda sanadkan aanu mareyno ee 2015 wuxuu marayaa 10-milyan bishii”ayuu yiri Mr C/llaahi Maxamed Nuur.
Mr C/llaahi ayaa sheegay in ujeedka uu ahay in baahida dhaqaale ee dowladda uu dabooli doono dhaqaalaha gudaha ka imaanaya
“Waxaa aaminsanahay in sanadkan intuu uusan dhamaan aan gaari doono isku filnaano dhaqaalaha dalka in 15 milyan bishii gudaha dalka aan ka daboolno baahida qarash ee dowladdau baahan tahay”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Maaliyada.
Sidoo kale waxaa uu xusay in miisaaniyada sanadkan ay ku saleeyaan bil walba dhaqaalaha dowladda inuu yahay 15 milyan, isla markaana ay rajeynayaan in dakhliga gudaha ka yimaada inuu ku filnaado.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa xoojisay hannaanka dakhli uruurinta gudaha, si looga maarmo kaalmada miisaaniyadeed ee ay dowladdu ka hesho dibadda, dhawaan ayay sheegtay in la dhimayo mushaaraadka shaqaalaha si la isugu filneysiiyo dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha dalka.