Wafdigani oo uu hogaamainayay wasiirka arimaha dibada ee dalka Qadar Khaalid Bin Maxamed Catiya ayaa waxaa garoonka caalamiga Aadan Cabdule ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka arimaha dibada ee xukuumada Soomaliya mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar,taliyaha ciidanka sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur-yare , gudoomiyaha gobolka Banaadir ,Mudane Xassan Maxamed Xuseen Muungaab, iyo mas’uuliyiin ka socotay safaarada dowlada Qadar ay kuu lee dahay Soomaliya.
Wasaiirka arimaha dibada dalka Qadar iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa waxaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada halkaasi uu kulan Kula qaatay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmarke iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dalk iyo sidii dowladda Qatar ay u dardargelin lahaayeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Kulanka kadib wasiirka arimaha dibada ee dalka Qatar Khaalid Bin Maxamed Catiya oo la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaanshaha Soomaliya isla maarkaana waxaa uu sheegay in uu dalka ku arkay isbedel wanaagsan oo horumaro kala duwan isugu jira.
Isagoo intaa ku daray in dowladiisu ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in ay gacan ka geysan doonto gurmadka loo fidinaayo qaxootiga ka soo cararaya dagaalada ka socda dalka Yeman ee soo gaaraya Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibada ee Xukuumada Soomaliya Mudane cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in ay arimaha ay ka hadleen wasiirka arimaha dibadda ee Qatar ay kamid tahay xoojinta Amniga Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Qatar ayaa sidoo kale waxaa uu kormeerey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayagoona iska maanta dib ugu laabtay dalkooda.