Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Jaamac Ilka Jiir yaa lagu wadaa inuu maanta hortaggo Golaha Baarlamaanka Somalia.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa Magaalada Muqdisho, wuxuu u sheegay in Ajandaha kulanka Baarlamaanka uu maanta qayb ka yahay in Wasiirka uu horyimaado.
Waxyaabaha Wasiirka la weydiinaayo, ayaa waxaa ka mid ah arimaha Cadaalada dalka iyo sidoo kale Guddiga Adeega Garsoorka.
Wasiir Ilka Jiir oo shaqada cusub ayaa la filayaa inuu Baarlamaanka kaga jawaabo su’aalaha ay weydiin doonaan, warbixin guudna uu ka siiyo xaalada Cadaalada dalka.
Xabsiyada dalka ayaa waxaa ku jira dad badan oo aanan cadaalad helin oo iska xiran.