Odayaal dhaqameed iyo waxgarad kasoo jeeda gobalada Jubooyinka ayaa kasoo horjeestay baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba ee dhawaan la sameeyay.
Waxa ay sheegeen in qaabka loo maray soo xulidda xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaasi ay tahay wado qaldan, islamarkaana ay aad uga xumaadeen gacan maroorsi ay sheegeen in lagu sameeyay.
Xubnahaan ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ay u sheegayaan in nidaam aan lagu dhisin baarlamaanka Jubba, islamarkaana boob lagu dhisay waa sida ay hadalka u dhigeen.
Beelo aan wax lahayn ayeey sheegeen in loo sad badiyay, halka beelaha qaar oo degmooyin badan deganna laga qadiyay xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.
Maamulka Jubba iyo IGAD ayeey Odayaashaan ku eedeeyeen in ay sameeyeen xaqiraadda ku aadan xildhibaanada iyo qaabka loo qeysaday, iyaga oo tilmaamay in iyagu ay wax ka dhiseen maamulka Jubba.