spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDEEG DEEG: Weraar Ismidamiin Ah Oo Lagu Qadday Dhismaha Wasaaradda Hidaha Iyo...
Array

DEEG DEEG: Weraar Ismidamiin Ah Oo Lagu Qadday Dhismaha Wasaaradda Hidaha Iyo Tacliinta Sarre Ee Magalada Muqdisho,

Weerar is qarxin ah ayaa goor dhow lagu qaaday dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sarre oo ku taal agagaarka KM5 ama Zoobe, halkaasoo ay ka dhex dagaalamayaan dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka dableyda ayaa gudaha u gashay, waxyar kadib markii qarax gaari loo adeegsaday lagu dhiftay mid ka mid ah gidaarada dhismaha.

Dhismaha Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare waxaa ka howl gasha Wasaaradda Waxbarashadda, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi
Qaraxyo iyo rasaas ayaa daqiiqadihii u dambeeyay laga maqlyaya dhismaha Wasaaraddan, halkaasoo

ciidamo ka tirsan dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabababarna ay gaareen goobta.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya todobaad kadib markii Al-Shabaab ay weerartay Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo 150 ruux lagu dilay dalkaasi keynya,

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular